Kooxda Real Madrid 3-kulan ee ugu dambeesay La Ligah ma aysan guuleesanin haatana waxay kooxdan ka quusatay hanshada horyaal Spain waxaana dhaawacyo ka ah Cristiano Ronaldo iyo Pepe haatana waxaa xaalkiia laga deyrinayaa Karim Benzema oo dhaawanahan oo idil dhanka jilibka ka xanuun sanaayay weeraryahankan haatan xanuunka ayaa soo karay sidaa darteed wuxuu booqday xarunta caafimaad oo ay Madrid leedahay si baaritaan guud loogu sameeyo halista uu leeyahay dhaawaca uu waayadan ku cayaarayay, xidigan kama qayb qaadanin kulankii ugu dambeeyay oo ay kooxdiisa Madrid 2-0 guuldaro ah kala kulantay naadiga Celt Vigo waxayna shabada AS sheegtay in Benzema baaritaan dheeraad ah lagu sameyn doono sidoo kalena weli aan la ogeyn xiliga rasmiga ah ee uu tababarka kooxdiisa dib ugu soo laaban doono.
Naadiga lagu naaneeeso Los Blancos waxay 24-ka bishan la cayaari doontaa kama dambeesta koobka horyaalada Yurub Atletico Madrid sidaa darteed macalin Carlo Ancelotti ma doonayo inuu Karem Benzema kulankan adag seego madaama haatan cabsi weyn laga qabo inuu Pepe dhaawac ku seegi doono, sidoo kalena Benzema wuxuu ka mid yahay xidigaha ugu muhiimsan kooxa Real Madrid oo sabab u ahaa inay kooxdan soo gaarto Finalaha Champion-ka sidoo kale dhaawaca uu xidigan la il daray yahay waxaa aad uga walaacsan macalinka xulka France Didier Deschamps oo isagana dhaqaatiir usoo diray magaalada Marid si xaalada Benzema meel loo ogaado sidaa darteed maal maha nagu soo fool leh ayaa shaaca laga qaadi doonaa in xidigan uu qaliin u baahan yahay ama lala tacaali karo jugta uu dhanka jilibka ka qabo.