Home » Horyaalada » La liga » Kooxda Real Madrid Oo Isha Ku Heysa Da’yarka Man United Adnan Januzaj

Kooxda Real Madrid Oo Isha Ku Heysa Da’yarka Man United Adnan Januzaj


Yokohama F.Marinos v Manchester United

Kooxda ka dhisan dalka Spain ee Real Madrid ayaa ku warantay iney daneyneyso saxiixa da’yarka reer Belgium ee kooxda Manchester United Adnan Januzaj.

Kooxda ka dhisan Old Trafford ayaa dooneysa iney Januzaj ka dhigto mid ka mid ah xidigaha ay ku xisaabtanto xili ciyaareedka soo aadan madama 19-jirkaan uu xili ciyaareedkii murugada ku dhamaaday muujiyay awood dheeri ah kadib markii uu kasoo dalacay heerka labaad ee kooxda.

Si Kastaba kooxda Los Blancos oo ah kooxda ugu awooda badan dhanka suuqa kala iibsiga ayaa diyaar la ah iney bixiso 33 Malyan Oo Pound oo ah lacagaha lagu jabin karo heshiiska xidigaan sida ay shaacisay Jariiradda Marca ee kasoo baxda Spain.

Da’yarkaan ayaa ka mid ah xidigaha xulka Belgiumka ee ka qeyb galaya koobka Aduunka wuxuuna ka mid noqday dooqa macalin Wilmots ee tartankaan.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close