Home » Maxaa Cusub » Real Madrid Oo Dooneysa Xidiga Ugu Muhiimsan Kooxda Arsenal

Real Madrid Oo Dooneysa Xidiga Ugu Muhiimsan Kooxda Arsenal


wilshere-ramsey-walcott-jenks

Kooxda Real Madrid ayaa sheegtay inay xagaagan dhigeeda Arsenal wada xaajood rasmi ah la furi doonto waxayna doonaysaa laacibka ugu muhiimsan Gunners-ka Aaron Ramsey inkastoo xili cayaareedkan ay faa’iidadeesa Arsenal dhadhamisay hadana wararka suuqa Yurub lagu hadal haayo ayaa sheegayo in Arsenal aysan xidigan ceshan karin madaama kooxaha Yurub ugu awooda badan ay saxiixiisa ku raad joogaan haataa Real Madrid ayaa sheegtay in liiskeeda uu safka hore kaga jiro Ramses.

23-jirkan 16-gool ayuu Arsenal u dhaliyay inkastoo uu int badan dhaawac ku maqnaa xili cayaareedkan waxaan wakiilkiisa dhawaanahan lasoo xariireen kooxaha Bayern Munich iyo Barcelona sidoo kalena ruug cadaagii hore ee xulka Wales John Harts aya kula taliyay Ramsey inuu garoonka Emirates isaga tago sidaa darteed macalin Carlo Ancelotti ayaa maamulka kooxdiisa Madrid ka codsaday Ramsey loo keeno waxaana xidigan lagu qiimeeyaa 30-milyan oo euro ah, sidoo kale saaxiibkiis Grathe Bale oo ay xulka Wales ka wada tirsan yihiin ayaa ku qal qaalinaayo Ramsey inuu garoonka Bernabu usoo guuro sidaa darteed waxaa xiiso mudan qaabka ay Arsenal xagaagan ku ceshan doonto xidigeeda ugu muhiimsan madaama Madrid oo ku caan baxday inay afduubato laacibiinta adunka ugu wanaagsan ay dooneyso kubad qaabeeyahan tayada wanaagsan.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close