Home » Europe » Champions League » Rasmi: UEFA Oo Shaaca Ka Qaaday Abaal Marinada Lacageed Ee Ay Heleen Kooxihii Champion-ka

Rasmi: UEFA Oo Shaaca Ka Qaaday Abaal Marinada Lacageed Ee Ay Heleen Kooxihii Champion-ka


4835736

Xiriirka kubada cagta qaarada Yurub UEFA ayaa si rasmi ah usoo bandhigeen abaal marinada lacageed oo ay heleen 32-naadi ee ka qayb qaateen koobka horyaalada Yurub xili cayaareedkii 2013/14 kaasi oo ay ku guuleesatay kooxda Real Madrid, UEFA ayaa u qeebisay dhamaan kooxaha tartankan kasoo qayb galeen lacag gaareyso €904m waxaana xusid mudan in lacagtii ugu badneed ay heshay kooxda Real Madrid oo koobkan ku guuleesatay waxayna heshay €57.4m, lacagaha Real Madrid hadii la kala qaado €20.5m ka mid ah dhanka TV-ga daqliga kasoo xarooday ayay ka heshay, €8.6m waxay ku muteesatay ka qayb galka tartankan halka €28m ay ka heshay guulaha iyo bar bar dhaca ay tartankan kulamadii ay cayaartay sidoo kalena cayaartii fiinaalka guushii ay ka gaartay waxay ka heshay €10.5m.

Waxaa la yaab ah in naadiga PSG oo wareega 8-aad ku hartay ay noqotay kooxda labaad ee daqligii ugu badnaa Champion-ka ka heshay xili cayaareedkii hore waxayna heshay €54.4m waayo kooxdan iyada galigeed ayaa kooxaha horyaalka France qaybaha u dambeeyay kasoo gaartay sidaa darteed €33.9m waxay ka heshay dhanka TV-ga dalka France  madaama aysan jirin koox kale oo Champion-kan meel wanaagsan kasoo gaartay marka loo bar bar dhigo kooxaha kale ee horyaalka France balse PSG lacagahaan si toos ah gacanta ugama dhigi doonto madaama UEFA ganaax dul dhigtay dhawaan waxaana laga jari doonaa lacago.

Kooxda Atletico Madrid oo tartankan laga qaaday xili cayaareedkii hore waxay iyadana heshay €50m, guud ahaan hoos kaga bogo kooxihii daqligii ugu badnaa Champion-a ka heleen xili cayaareedkii 2013/14:

Real Madrid: €57.4m

PSG: €54.4m

Atletico Madrid: €50m

Man United: €44.7m

Bayern Munich: 44.6m

Chelsea: €43m

Juventus: €43m

Barcelona: €41m

Close