Tababarihii Barcelona Gerardo Martino ayaa isaga tagay shaqada kooxda kadib markii uu ku fashilmay inuu kooxda u difaaco horyaalka La Liga kulan ka dhacay Camp Nou oo ay ku martigaliyeen Atletico Madrid.
Barcelona ayaa kaliya u baahneed guul ay gaarto si ay u difaacato balse barbardhac ayaa lagu celiyay taasoo keentay in Atletico Madrid ay horyaalka u dabaal dagto markii ugu horeysay tan iyo 1995-1996.
Kooxda Catlaan ayaa hadal heysay in Tata Martino uusan sii ahaan doonin macalinka kooxda xagaaga soo aadan sidaas darteed waqti yar kadib kulankiisii Atletico Madrid, macalinkaan reer Argentina ayaa shaaca ka qaaday inuu ka tagay kooxda Bulgarana lagu neynaaso.
“Aad ayaan uga xumahay in hamigii kooxda ay ku tashaneysay aan suuragalin waayo” Ayuu Tata Martino ku qiireeyay Jamaahiirta Bulgarana.
“Halkaan waxaa joogo xidigo waaweyn, waxey iisoo jiideen amaan, waxey aheyd darajadii iigu weyneyd ee aan gaaray”
“Waan ka xumahay, ma suuragalin, waxaan doonayaa inaan u mahad celiyo kooxda dhamaan, iyo kalsoonidii ay i siiyeen”
Barcelona ayaa horay kulan ula yeelatay halyeeygoodii hore Luis Enrique kaas oo ka tagay shaqadii kooxda Celta Vigo waxeyna u badan tahay in isaga loo magacaabo xilka Barcelona.