Fanaanada reer Colombia Shakira ayaa si rasmi ah loogu doortay xaflada xiritaanka koobka aduunka inay ka heesto, Finalaha koobka aduunka oo la cayaari doono 13-bishan kana dhici doono magaalada Rio de Janeiro ayaa Shakira ku guuleesatay inay bandhig faneed ka sameyso garoonka sidoo kalena heesta lagu xiri doono koobka aduunka ay qaado waxayna noqon doontaa markii 3-aad oo xariir ah oo ay koobka aduunka hees kusoo qatinto fanaanadan caanka ah madaama koobkii aduunka 2006 iyo 2010 ay iyadana hees kusoo xirtay xafladii gaba gabada la qabtay.
37-jirkan aduunka magaca ku leh ayaa ka qaadi doonto gudaha Maracana stadium heesteeda La La La (Brazil 2014) waxayna sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay in loo doortay gaba gabada koobka aduunka inay hees ka qaado waxayna tiri “hada wax kale ma oran karo oo aan ahayn inaan aad u faraxsanahay, waxaana rajeynaa inaa bandhig wanaagsan Maracana kasoo bandhigi doono!”
Shakira waxaa xaflada gaba gabada ee koobka aduunka lagu xiri doono ku wehlin doonaan Fanaaniinta kala ah Carlos Santana, Wyclef Jean, Alexandre Pires, Ivete Sangalo iyo caruurta magaalada Rio ku nool oo sameyn doonaan bandhig faneedyo kala duwan.
Profile