Kadib markii Prandelli uu iska casilay xulkiisa Italy markii laga soo reebay koobka adduunka ayaa lasoo bandhigi rabaa isagoo macalin u ah kooxda Reer Turky ee Galatasaray.
Madaxweynaha kooxda Galatasaray Unal Aysal ayaa xaqiijiyey in Preandelli loo magacaabi doono kooxda Galatasaray Xilli cayaareedka cusub ee bilaaban doono.
56 Jirkaan ayaa iska casilay jagadii uu u hayey Xulka Italy kadib markii uu ku fashilmay inuu usoo gudbo wareegga 16-ka ee koobka adduunka, isagoo guuldaro kala kulmay xulalka Italy iyo Uruguay.
haddaba, Kooxda reer Turky Galatasaray ayaa macalinkaan shaqo la’aanta ah siisay fursad Macalinimo, inkastoo aan si rasmi ah weli loo soo bandhigin.
Haddaba wixii kusoo kordha kala soco www.hiilkubad.com
Profile