Home » Horyaalada » Bundesliga » Rasmi: Mario Mandzukic Oo Sheegay Inuu Bayern Munich Boorsadiisa Ka Qaatay!

Rasmi: Mario Mandzukic Oo Sheegay Inuu Bayern Munich Boorsadiisa Ka Qaatay!


Mario

Weeraryahanka xulka Croatia Mario Mandzukic ayaa si rasmi ah u sheegay inuu kooxdiisa Bayern Munich ka tagay sidoo kalena uusan dib ugu soo laaban doonin garoonka Allianz Arena, weeraryahankan awooda badan ayaa mudo la hadal haayay inuusan ku qanacsaneyn ka mid ahaan shaha Bayern madaama uu uusan ku faraxsaneyn qaabka loola dhaqmay xidigan tayada wanaagsan oo ka hadlaayo mustaqbalkiisa cayaareed wuxuu yiri “Masii joogi doono Bayern midaasna waxaan kala hadlay Karl-Heinz Rummenigge ikastoo aan xushmad weyn u haayo Bayern hadana go’aanka aan qaatay waaa mid aan ku bad baadinaayo mustaqbalkeyga”

27-jirkan ayaa sidoo kale sheegay sababta uu Bayern uga tagaayo wuxuuna yiri “Pep shaxda uu cayaaro ayaan dhibsaday weliba kulankii Real Madrid aan la cayaarnay siweyn ayaan garoonka ugu dhex wareeraray runtii dadaal iima yareyn hadana waxan dareemay inaan kusii lumaayo Bayern marba hadii System-ka Guardiola aan la qabsan karin!”

Ugu dambeyntii Mario ayaa u mahad celiyay maamulka iyo taageerayaasha Bayern wuxuuna yiri “marnaba m iloobi karo wixii aan Bayern ka helay qalbigeyga kama saari doono maamulka iyo taageerayaasha Munich waayo magaca aan maanta caalamka ku leeyahay iyaga ayaa sabab u ah!” Mandzukic ayaa Bayern u horseeday hanashada koobka horyaalada Yurub sanadii 2013 wuxuuna xidigan siweyn ugu faa’iiday shaxdii macalinkii hore ee Bayern Jupp Hynckes balse haatan Pep Guardiola hogaankiisa wuu la qabsan waaay. Weeraryahankan ayaa lala xariirinaa kooxaha Chelsea, Arsenal, Real Madrid, AC Milan iyo Barcelona waxayna Bayern ku dooneysaa ku dhawaad 30-milyan oo euro ah.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close