Home » Maxaa Cusub » Rasmi: Manchester City Oo Ugu Dambeyn La Saxiixatay Bacary Sagna

Rasmi: Manchester City Oo Ugu Dambeyn La Saxiixatay Bacary Sagna


article-2656930-1EBB69F700000578-478_636x460

Manchester City ayaa ku dhawaaqday inay si xor u ah ula soo wareegtay xidigga Arsenal ee Bacary Sagna. Xiddigga Reer France ee Daafaca ka cayaaro ayaa ku biiray kooxda difaacaneyso horyaalka ingiriiska isagoo u saxiixay heshiis gaarayo ilaa seddex sano kadib markii uu diiday inuu heshiiska u kordhiyo kooxdiisa Arsenal.

xidigaan ayaa asbuucii mushaar ahaan u qaaday doono £150,000 inta uu ka dhamaanyo  heshiiskiisa seddex sano ee uu qalina ku duugay  .

Mustaqbalka Xidigaan ee Kooxda Arsenal ayaa shaki weyn ku jiray iyadoo la isku mari waayey heshiis kordhin loo sameenayo xidiggan iyadoo ugu dambeyntii lagu kala kacay.

Arsenal ayaa raadineyso badalka xidigaan waxayna hadda ku raad joogtaa Juanfran iyo Serge Aurier oo loo aaminsan yahay inay buuxin karaan booska Sagna.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close