Ugu dambeyntii tababarihii hore ee kooxda Barcelona Tito Vilanova ayaa geeriyooday wuxuuna macalinkan dhawaanahan la il darnaa cudurka cancer-ka kaasi oo dhibaato weyn ku hayay, Vilanova asigoo 45-jir ah ayuu geeriyooday, qoyska Vilanova iyo Barcelona ayaa haatan ku sugan xaalad adag madaama macalinkan uu ka wada geeriyooday labada dhinac.
Inkastoo Vilanova uu mudo gaaban Barcelona macalin u ahaa madaama xanuun daran uu shaqadiisa ka wadan waayay hadana macalinkan qalbiga taageerayaasha Barcelona marnaba kama bixi doono waayo 100-dhibcood ayuu La Ligaha ugu qaaday xili cayaareedkii hore sidoo kalena asigoo aad u xanuunsan ayuu shaqadiisa adag watay.
Tito wuxuu ahaa yaraantiisa kubad sameeye aad u xirfad wanaagsan kuna soo bar baaray xaruna La Massia ee kooxda Barceloa balse waayihiisii cayaareed wuxuu ku qaatay heerarka hoose ee dalka Spain asigoo usoo cayaaray kooxaha yar yar sida Figueres, Lleida, Badajoz, Elche and Gramanet, sidoo kalena La Ligaha Spain wuxuu cayaaray kooxaha Celta Vigo iyo Mallorca bilawgii 90-kii.
Hadaba Tito Vilanova xogtiisa iyo geeridiisa kadis-ka aheed wixii caalamka ay ka dhawaan wararkeena xiga ayaan idin kugu soo gudbin doonaa.