Gerardo Martino ayaa isaga tagay kooxda Barcelona kadib markii ay kooxda ku fashilantay iney difaacato La Liga, balse tababarihii la hadal hayay inuu qaban doono xilka Barcelona ayaa beeniyay wararka la xiriirinaya kooxda ka dhisan gobolka Catalonia.
Kubad sameeyihii hore xulka Spain iyo Kooxda Barcelona ayaa rajeynayay in macalinkaan reer Arentina uu xili ciyareedka dambe sii heyn doono kooxda, inkastoo qudhiisa uu ka tagay shaqada Celta Vigo isbuucii aynu soo dhaafnay hadana Enrique ayaa biyo qabow ku shubay wararka qeexaya inu Tata Martino ka badalayo Barcelona.
“Marka aan talaabo qaadayo, waan sheegi doonaa, balse haatan wax dhacay ma jiraan” Ayuu Enrique yiri.
“Waan arki doonaa sida xaal noqdo iyo waxa dhaca mustaqbalka dhaw, balse haatan ma jiraan sida ay wax u qorayaan wargeysyada”
“Waan daawaday ciyaartii barbaraha aheyd, inkastoo aan ka xumaaday iney taasi dhacdo hadana Atletico Madrid wey u qalantay iney noqoto horyaalka Spain”
Barcelona ayaa isheeda sii dheereyn doonta iyadoo meelaha ka dayi doonta dooq kale madama Enrique uu ka jeestay.