Wolfsburg ayaa dhameystirtay saxiixa xiddiga qadka dhexe ee dalka Belgium Kevin De Bruyne kaas oo qiimo lacageed aan la cayimin uga soo biiray Chelsea.
22 jirkaan ayaa keliya sagaal kulan u ciyaaray Blues oo uu uga soo biiray kooxda dalkiisa ka dhisan ee Genk qiimo dhan 6.7 milyan oo ginni sanadkii 2012.
Heshiiska uu De Bruyne ugu dhaqaaqay Wolfsburg ayaa ka dhigaya midkii labaad oo uu kula biiro koox ka dhisan Germany. Isagoo 10 gool dhaliyey 33 kulan oo uu saftay horyaalka Bundesliga isagoo xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay amaah kula joogay Werder Bremen.
Chelsea ayaa bixitaanka De Bruyne ku xaqiijisay bayaan ay soo dhigtay boggeeda Twitter-ka: “Kevin De Bruyne maanta wuxuu dhameystiray heshiiskii uu ugu dhaqaaqayey Wolfsburg, halkaas oo aan ugu rajeyneyno nasiib wacan.”
De Bruyne ayaa 18 kulan u saftay xulkiisa Belgium. Isagoona raajicinaya inuu boos ka helo Koobka Adduunka ee xagaaga lagu qaban doono Brazil.
Waxaa Aqrisay: (57)
Mogadishu - Somalia