Home » Maxaa Cusub » RASMI: Juventus Oo Heshiis La Gaartay Didier Drogba

RASMI: Juventus Oo Heshiis La Gaartay Didier Drogba


Drogba

Saxaafada Turkiga ayaa shaacisay in weeraryahanka kooxda Galatasaray Didier Drogba uu heshiis la gaaray kooxda heysata horyaalka talyaaniga ee Juventus.

Bianconerri ayaa si aad ah loola xiriirinayay weeraryahankii hore kooxaha Marsielle iyo Chelsea kaas oo waqtigii uu kula joogay kooxda Galatasaray uu soo idlaaday waxaana xidigaan uu heshiis labo sano ah la gaaray kooxdaka dhisan Torino.

Sida ay tilmaameen warbixinada ka imaanaya Turkiga maanta, weeraryahankaan reerIvory Coast oo haatan hogaaminaya xulka Maroodiyaasha ee ka qeyb galaya Koobka Aduunka ayaa heshiiskiisa si rasmi ah qalinka ugu duugi doona kadib koobka Aduunka.

Sida lasoo wariyay Didier Drogba ayaa mushaar ahaan u qaadan doona 4.5 Malyan Oo Euro, iyadoo sidoo kale Juve ay kusii xirtay qaab ciyaaredka uu soo bandhigo taasoo sa’id uga dhigi karta mushaarkiisa.

36-jirkaan heerka caalami ayaa kasoo muuqan doona kooxdiisii afaraad ee yurub ah isagoo doonaya inuu kasoo muuqdo Champions League.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close