Home » Horyaalada » Bundesliga » Rasmi: Isku Aadka Bundesligaha Jarmalka 2014/15 Oo Lasoo Bandhigay Iyo Bayern Oo Kulankeeda Ugu Horeeyo La Cayaari Doonto….

Rasmi: Isku Aadka Bundesligaha Jarmalka 2014/15 Oo Lasoo Bandhigay Iyo Bayern Oo Kulankeeda Ugu Horeeyo La Cayaari Doonto….


FC Bayern

Waxaa si rasmi ah loo soo bandhigay isku aadka horyaalka Jarmalka xili cayaareedkiisa 2014/15 kaasi oo bilaaban doono horaanta bisha August, naadiga Bayern Munich oo Bundesligaha difaacaneyso sidoo kalena xili cayaareedkii hore horyaalkan ku guuleesatay asigoo 7-kulan harsan ayaa kulankeeda ugu horeeyo la cayaari doonto naadiga Wolfsburg oo sanadkii hore kaalinta 5-aad ka gashay, dabcan kulanka ugu adag cayaarta ugu horeyso Bundesligaha waxay dhex mari doontaa kooxaha Dortmund iyo Bayer Leverkusen oo xili cayaareedkii dhawaan soo idlaaday kaalimaha labaad iyo sedexaad Bundesligaha ku dhameesteen dabcan maamulka labadan naadi kuma farxin inay kulanka ugu horeeyo xili cayaareedkan cusub inay isku aadaan.

Kooxaha Bayern Munich iyo Dortmund oo ah labada naadi oo loo sadaalinaayo Bundesligaha waxay kulankooda ugu horeeyo wada cayaari doonaan dhamaadka bisha October ee isla sanadkan halka kulanka labaad ay wada cayaari doonaan horaanta bisha May ee sanadka 2015 sidaa darteed labadan naadi midii awood roonaato ayaa inta badan horyaalka Jarmalka hanato madaama 4-sano ee ugu dambeesay ay min labo jeer Bundesligaha ku kala guuleesteen. Guud ahaan hoos kaga bogo kulamada ugu horeeyo ee Bundesligaha lagu daah furi doono 22 August ee isla sanadkan:

View image on Twitter


Close