Home » Latin America » Rasmi: Inter Milan Oo Gudoomiye Ku Xigeen U Magacaawday Zanetti Sidoo Kalena Lambarkiisa

Rasmi: Inter Milan Oo Gudoomiye Ku Xigeen U Magacaawday Zanetti Sidoo Kalena Lambarkiisa


Zanetti

Gudoomiyaha kooxda Inter Milan Erick Thohir ayaa si rasmi ah shaaca uga qaaday in halyeega kooxdan Javier Zanetti oo dhawaan cayaaraha ka fariistay in laga dhigay gudoomiye ku xigeenka Inter Milan sidoo kalena lambarkiisa 4-aad gabi ahaanba meel la dhigi doono si loo sharfo waxqabadka halyee Zanetti, daafaca reer Argentina mudo 19-sano oo aad u qurux badan ayuu garoonka San Serio kusoo qaatay wuxuuna Inter Milan asigoo kabtan ah u qaaday 5-horyaal, 4-Copa Italia, 1-Champions League iyo 1-FIFA Club World Cup sida darteed sumcad aan lasoo koobi karin ayuu Zanetti gudaha Inter Milan ku leeyahay.

Gudoomiye Erick Thohir oo xaqiijinaayo xilka loo magacaabay Zanetti wuxuu yiri “Zanetti wuxuu ahaan doonaa gudoomiye ku xigeenka Inter Milan labada sano ee nagu soo fool leh sidoo kalena maamulka Inter waxay isku raaceen in lambarkiisa 4-aad la xareeyo laguna sharfo guulihii uu Inter Milan gaarsiiyay!” masuulkan oo la hadlaayay wargeska La Gazzetta dello Sport ayaa sidoo kale sheegay in tababare Walter Mazzari heshiis cusub laga saxiixi doono wuxuuna yiri ”              waxaan rajeynaa inaan sida ugu dhaqsiyaha badan Mazzari heshiis cusub kaga saxiixno xaq ayuu u leeyahay labo sano oo dhameestiran inaan Inter Milan ku aamino”

Ugu dambeyntii milkiilaha Inter Milan Erick Tohir ayaa sheegay in dalabyo ku aadan xidigaooda Mauro Icardi uu so gaaray wuxuuna yiri “kooxo dhowr ah ayaa inoo soo gudbiyeen dalab wanaagsan oo ku adan Icardi balse diyaar uma nahin xidigaheena muhiimka ah inaan iska iibino wuxuuna qorshaheena yahay inaan dhisno Inter Milan awood badan”


Close