Home » Maxaa Cusub » RASMI: David Villa Oo Ku Biiray New York City FC + Muuqaal

RASMI: David Villa Oo Ku Biiray New York City FC + Muuqaal


Villa

Kooxda New York City ayaa xaqiijisay iney la wareegtay weeraryahanka dalka Spain David Villa kaas oo ah xidiga ugu goolasha badan xulka waana saxiixii ugu horeeyay ee ay kooxdaan la saxiixato madama ay kooxdaan cusub tahay.

Xidigii hore kooxaha Valencia, Barcelona & Atletico Madrid ayaa kaliya hal xili ciyaareed ku qaatay garoonka Vincent Calderon isago 13-gool u dhaliyay kooxdiisa isagoo sidoo kale ka saaciday iney ku guuleysato horyaalka Spain markii ugu horeysay tan iyo 1996-dii.

“Waxaan doonayaa inaan isku dayo isla markaana caawiyo hor u socodka koboca horyaalka mareyanka ee MLS-ka, shaqo adag qabtay, dhalinta goolal isla markaasna aan New York City ka saacido iney noqoto kooxda ugu fiican horyaalka Mareykanka” Ayuu Villa ku qoray Website-ka gaarka ah ee kooxda New York.

“Waa sharaf in dadka dhamaan ay ii muujiyaan heelanaan iyagoo i siinaya dhareenkooda dhabta ah”

“Waxaan ilaalin doonaa ciyaar wanaageyga isla markaana xambaaro masuuliyada kooxda isla markaana aan cadeeyo qiimaha aan joogo anigoo ilaalinaya kalsoonida la i siiyay”

DAAWO MUUQAALKA:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close