Home » Maxaa Cusub » Rasmi: Chelsea oo £3m Ku Qasaari Doonto Iibka Marko Marin Oo Kusii Jeedo Naadiga

Rasmi: Chelsea oo £3m Ku Qasaari Doonto Iibka Marko Marin Oo Kusii Jeedo Naadiga


Marko-Marin

Kooxda Blues ayaa ugu dambeyntii heshay naadi ka iibsato xidiga Flop-ka ka noqday Marko Marin kaasi oo ku guul dareestay inuu la qabsado kubada Premiership-ka laga cayaaro xidigan u dhashay dalka Jarmalka ayaa xili cayaareedkii dhawaan soo idlaaday amaah kula joogay naadiga Sevilla waxayna Chelsea ku dartay liiska xidigaha ay iska fasixi doonto wargeska London Evening Standard ayaa xaqiijiyay in Marin uu dib ugu laaban doono Bundesligaha Jarmalka waxaana £4m oo ku iibsan rabto naadiga Eintracht Frankfurt wuxuuna aqbalay dalabka kooxdan uu boos joogto ah u balan qaaday.

Waxaa naga xasuusin ah in labo sano ka hor ay Chelsea Marko Marin kaga soo iibsatay naadiga Werder Bremen £7m balse nasiib daro marnaba Blues lama uusan qabsanin waxayna xagaagan iibkiisa kala kulmi doontaa qasaaro £3m, balse macalin Jose Mourinho ayaa ku faraxsan inuu xal u helay 25-jirkan madaama uu Chelsea ka qadaanayay £35,000 todobaad walbo sidoo kalena uusan waxba u heynin haatan Marin iyo kooxdiisa Chelsea way kala tageen wuxuuna maal maha nagu soo fool leh si rasmi ah ugu biiri doonaa naadiga Frankfurt, xidigan ayaa xulka Jarmalka u saftay 16-kulan oo heer caalami ah sidoo kalena koobkii aduunka 2010 ayuu kala qayb galay balse nasiib daro hoos u dhac iyo dhaawacyo joogto ah ayaa ku qasbeen in xidigan sumcadii uu Yurub ka lahaa meesha ka baxdo.

Close