Naadiga Bayern Munich oo mudo dheer ku raad joogtay saxiixa mashiinka xulka Chile iyo kooxda Juventus Arturo Vidal ayaa sare u qaaday qiimaha ay ku dooneyso waxayna Munich isku diyaarinee bartamaha todobaadkan inay dalab rasmi ah u gudbiso kooxda Juventus madaama Vidal ay kooxo badan saxiixiisa ku raad joogaan, Sport Mediaset ayaa sheegay in Bayern ay dhigeeda Juventus miiska u saartay €40m waxayna maamulka Bayern aad ula dhacsan yihiin qaab cayaareedka Vidal oo koobka aduunka kasoo bandhigay kubad wanaagsan sidaa darteed masuuliyiin ka socdaan naadiga reer Jarmal ayaa magalada Turin soo gaari doonaan maal maha nagu soo fool leh.
Inkastoo Bayern dalabkeeda €40m shaaca ka qaaday hadana weli qiimahan uma dhawo midka ay Juventus dul dhigtay Vidal kaasi oo gaarayo €60m, laakiin kooxda Bayern Munich waxay kalsooni ka muujisay soo xero galinta Vidal madaama agaasimaha guud ee kooxda Juventus Beppe Marotta oo aqbalay inuu la kulmo saraakiisha ka socdaan Bayern ee magaalada Turin soo gaari doonaan, hadii Bayern Munich ay ku guuleesato saxiixa Vidal waxay niyad jab weyn ku noqon doontaa kooxaha Real Madrid, Manchester United, Chelsea iyo Manchester City oo dhamaantood ku raad joogaan xidigan awooda badan khadka dhexena lagu aamin karo.
Profile