Home » Maxaa Cusub » RASMI: Antonio Nocerino Oo Ku Biiray Torino

RASMI: Antonio Nocerino Oo Ku Biiray Torino


Nocerino al Toro

Kubad sameeyaha Kooxda Ac Milan Antonio Nocerino ayaa dib ugu soo laabtay horyaalka Serie A-da wuxuuna qaab amaah ah ugu biiray kooxda Torino ee heerka koowaad isagoo kasoo tagay kooxda West Ham oo uu amaah ugu ciyaaray lixdii bilood ee ugu dambeysay.

Xidigii hore xulka talyaaniga ayaa lixdii bilood ee ugu dambeysay ku qarash gareeyay kooxda West Ham ee magaalada London ee horyaalka Ingiriiska.

Wali ma jiro boos kaga banaan kooxda Ac Milan, sidaas darteed Milan ayaa qaab amaah ah ku siisay xidigaan kooxda Torino si uu jaanis ugu helo inuu ciyaaro wax badan.

Warkaan waxaa lagu shaaciyay website-ka gaarka ah ee kooxda Torino.

 Nocerino subito in campo

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website

Close