Home » Maxaa Cusub » Rasmi: Adam Lallana Oo Ugu Dambeyntii Aqbalay Inuu Ku Biiro Kooxda Liverpool

Rasmi: Adam Lallana Oo Ugu Dambeyntii Aqbalay Inuu Ku Biiro Kooxda Liverpool


Lallana

Kabtanka kooxda Southampton Adam Lallana ayaa ugu dambeyntii si taxadir u dheehan uga jawaabay dalabka kooxda Liverpool wuxuuna xidigan tayada wanaagsan ee xulka Englandka tirsan aqbalay inuu mustaqbalkiisa cayaareed kasii wato garoonka Anfield horaanta xagaagan sidoo kale Lallana ayaa maamulka kooxdiisa ka codsaday in heshiiska uu Liverpool ku aadi  doono la fududeeyo waxayna Reds kubad qaabeeyahan ku iibsan doontaa £20M waana qiimaha ay horey u sheegtay Southampton inay Lallana kaga samri karto sidoo kale xidigan tayada wanaagsan waxaa ku raad joogeen kooxaha Chelsea iyo Man United balse la tashi badan markii sameeyay waxaa usoo baxday in naadiga Liverpool ay ku haboon tahay hormarkisa cayaareed.

Macalinka kooxda Liverpool Brenden Rodgers ayaa ku faraxsan in ugu dambeyntii Lallana uu doortay usoo dhaqaaqida garoonka Anfield waxaana la rajeynaa laacibkan tayada wanaagsan inuu heshiis 5-sano ah Liverpool u saxiixo, 25-jirkan ayaa xili cayaareedkan sameeyay hormar wanaagsna wuxuuna haatan ka mid yahay xidigaha u sharaxan in xulka England ay u matalaan koobka aduunka, waxaana la rajeynaa in xidigan uu Liverpool si rasmi ah uga mid noqon doono ka hor 19-ka bishan waana maalinta dhamaan xidigaha xulka England uu tababare Roy Hodgson u safrin doono dalka Portugal si ay koobka aduunka ugu diyaar garoobaan sidaa darteed Liverpool ayaa ku rajo weyn in Lallana xulka England loo xulo asigoo tijaabo caafimaad u maray sidoo kalena ka mid ah laacib Liverpool ka tirsan inuu koobka aduunka kasoo muuqdo.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close