Sida la rajeynayay Hachim Mastour ayaa saxiixay heshiiskii ugu horeeyay ee xirfadiisa kubada cagta kooxda Milan isagoo u dabaal dagay dhalashadiisa 16-aad.
Kubad sameeyahaan da’da yar ayaa si habsami leh kaga soo baxay kooxda dhalinyarada ee Milan, balse markii ugu horeysay oo kooxda waaweyn looga Waco waxey aheyd xili ciyaareedkii dhamaaday kulan ay Milan la ciyaareysay Sossoulo.
Si Kastaba Milan ayaa sii deysay warbixin ay ku qeexeyso iney si rasmi ah ula saxiixatay Hachim Mastour isla markaana heshiis xirfadeedkiisii ugu horeeyay uu saxiixay.
Heshiiska xidigaan ayaa kusii heynaya Sansiro ilaa 30-ka June 2017 taasoo ka dhigan inuu saxiixay heshiis sadex sano ah.
Da’yarkaan heerka caalami ayaa kusoo baxay wiil la isku haleyn karo isagoo si habsami leh usoo jiitay indhaha macalinka cusub ee kooxda Pippo Inzaghi kaas oo xili ciyaareedkii dhamaaday macalin u ahaa kooxda dhalinyarada oo uu ka mid ahaa taasoo ka dhigan inuu fursad fiican u heli doono inuu garoonka galo madama Pippo uu soo xushay.