Home » Horyaalada » League 1 » Radamel Falcoa Oo Mudo Kadib Garoomada Kusoo Laabtay

Radamel Falcoa Oo Mudo Kadib Garoomada Kusoo Laabtay


Falcoa

Macalinka kooxda As Monaco Leanardo Jardim ayaa cadeeyay in Radamel Falcoa uu dib ugu soo laabtay garoomada kadib dhaawac uu mudo kaga maqnaa garoomada waxaana la filayaa inuu kasoo muuqdo koobka Emirates oo maanta ka bilaaban doona London.

28-jirkaan reer Colombia ayaa dhaawac garoomada kaga maqnaa tan iyo bishii January ee bilowgii sanadkaan markii uu dhaawac dhanka jilibka ah kasoo gaaray kulan ay kooxdiisa 3-0 kaga adkaatay Monts D’or Azergues.

Waxaa la filayay inuu soo kabsado koobkii Aduunka ee Brazil lagu soo afjaray bartamahii bishii July, balse soo kabsashadiisa ayaa daahday taasoo macalin Jose Pokerman ku qasabtay inuu ka reebo xulka Colombia oo ku dhameystay wareega quarter finalka.

“Falcoa wuu ciyaari doonaa isbuucaan” ayuu Jardim u sheegay warfidiyeenada, “Maahan inuu ciyaari karo dhamaan kulanka balse 15 ama 20 daqiiqo ayaan rajeynaya inuu kaga soo muuqdo kulanka (sabti) maanta la ciyaari doono Valencia iyo kan Axada ee Arsenal”

“Wuxuu ka walwalayaa inuu mar kale ciyaaro, wuxuuna u dhaw yahay inuu 100% taam noqdo muuqaalkiisa tababar, tani waxey u noqon doontaa tijaabo fiican inta uusan bilaaban League 1-ka”

Ugu dmabeyntii Falcoa ayaa lala xiriirinayay Real Madrid mudooyinkii lasoo dhaafay, balse weeraryahanka ayaa beeniyay arintaas isagoo ku adkeystay inuu baaqi kusii ahaado Monaco.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Close