Home » Maxaa Cusub » Prandelli: ” Italy Waxay Xalay U Qalantay Inay Ka Badiso Costa Rica

Prandelli: ” Italy Waxay Xalay U Qalantay Inay Ka Badiso Costa Rica


426565_heroa

Tababaraha Xulka Qaranka Italy Cesare Prandelli ayaa raali gelin ka bixiyey guuldaradii ay kala kulmeen dhigooda Costa Rica oo kusoo idlaaday 1-0, Laakin wuxuu ku adkeysatay Inaysan munaasib aheyn in la argagaxo.

Guuldaradii kasoo gaartay Italy kulankii Costa Rica ayaa ciriir gelisay booskii ay ku laheyd Group D  taas badalkeeda waxaa xaqiijisay Inay si rasmi ah u gaartay Waregga 16-ka Xulka Cost Rica.

Laakin Italy ayaa Jaanis u heli doonto inay usoo baxdo Wareegga 16-ka haddii ay garaacdo Uruguay talaadada Soo socda iyadoo Prandelli uu isku dayi doono inuu Baaqi kusii ahaado koobka adduunka,

” Waa U qalanay inaan guul gaarno” ayuu ku boroortay Macalinka Italy Kadib cayaarta isagoo u waramaayey Rai Sport, wuxuuna sii raaciyey ” Laakiin Maahan In la argagaxo, waa inaan kasoo kabsano dadaalna aan sameenayo kulanka Talaalada”

”  Xidigaha Italy Xalay Way Dadaaleen, Maqaar saar maaheyn, haddii ay taas ahaan laheeyeen eeda waan qaadan laheyn laakiin dadaal kasta oo aan guul ku keeni laheyn waan sameenay: ayuu yiri mar kale.

” Qorsho weyn ayaan keenan, Laakiin Costa Rica ayaa u babac dhigtay gool kasta oo aan dhallin laheyn”

” Waan Ogaa Awalba in Cost Rica ay adag tahay, laakiin markasta waxaan isku qancinayey inaan Uruguay sedexda dhibic ka qaadan doono”.

Hadalka Macalinka ayaa imaanayo Xilli Xalay Italy lagu dhuftay Guuldaro xanuun badneyd taasoo mugdi gelisay rajadii ay ka lahaayeen usoo bixitaanka Wareegga 16-ka.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close