Home » Maxaa Cusub » PELE: “England Waxey Heystaan Fursada Ay Brazil U Heysato Ku Guuleysiga Koobka Aduunka”

PELE: “England Waxey Heystaan Fursada Ay Brazil U Heysato Ku Guuleysiga Koobka Aduunka”


Pele1

Boqorka kubada cagta Brazil Pele kaas oo sadex jeer ku guuleystay Koobka Aduunka ayaa shaaca ka qaaday in ingiriiska ay heystan fursad la mid ah fursada ay Brazil koobka Aduunka ku qaadi karto.

Brazil ayaa ka mid ah xulal dhowr ah oo loo saadalinayo ku guuleysiga tartankaan wallow ciidooda lagu qbanayo hadana Ingiriiska ayaa wajahaya group adag iyadoo wajahi doonta Talyaaniga iyo Uruguay.

Halyeeyga reer Brazil Pele ayaa shaaca ka qaaday inuu jeclaan lahaa in Brazil ay wajahdo Uruguay si ay kaga aargoostaan dhacdadii gurigooda koobka Aduunka looga qaaday sanadii 1950-kii markaas oo 2-1 lagu dubtay Brazil kulan ka dhacay Maracana Stadium. “Waxaan doorbidi lahaa in Brazil ay wajahdo Uruguay, si aan uga aargoosano” Ayuu yiri Pele.

Sidoo kale waxaa wax laga weydiyay fursada ay England u heysato koobkaan ku guuleysigiisa. “England waa sida, Italy, Spain & France, waa inaan isku diyaarinaa, xushmeynaa sababtoo ah waxey heystaan fursada aan heysano” Pele ayaa ku guuleystay Koobka Aduunka isagoo 17-jir ah sanadii 1958-dii wuxuuna is raacsaday laba jeer 1962 & 1970.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close