Paul Scholes ayaa si toos ah u weeraray falkii waalida ahaa ee uu Luis Suarez ku kacay waayo xidigan markale qaniinyadii uu ku caan baxay ayuu soo celiyay asigoo garanka ka qaniinay daafaca xulka Italy Giorgio Chiellini hadaba falkan aduunyada oo idil ayaa la yaabtay waxaana si aan xishood ku jirin uga hadlay halyeegii hore ee xulka England iyo kooxda Man United Giorgio Chiellini wuxuuna yiri “Nasiib xumo Suarez wuxuu sharaf dhac ku riday Wadankiisa, Kooxdiisa Iyo Qoyskiisa waxaan oran karaa waa fal asiga xitaa uu is ceebsan doono inkastoo ay tahat markii sedexaad ee uu si waali ah cayaartooyda u qaniino!”
Madaama Luis Suarez uu haatan ka mid yahay xidigaha aduunka ugu wanaagsan wuxuu Paul Scholes sheegay in xidigan hada kadib wanaagiisa lagu xasuusan doonin wuxuuna yiri “waa hubaal in hadaba kadib Suarez lagu xasuusan doono xumaantiisa inkastoo uu yahay laacib aad u wanaagsan hadana waxa uu sameeyay waa fal kubada cagta ka baxsan mana ka hari doono falkan noloshiisa oo dhan!”
Ugu dambeyntii Scholes wuxuu soo jeediyay in weeraryahanka kooxda Liverpool gabi ahaanba cayaaraha aduunka inta ka harsan laga ganaaxo wuxuuna yiri “waa in la ganaaxaa inta ka harsan koobka aduunka balse intaas kuma filno waa in ciqaab adag la saaro aana ka warsugno go’aanta ay FIFA arintan kasoo saarto”
Profile