Home » Maxaa Cusub » Patrick Vieira Oo Kasoo Horjeestay Go’aankii Uu Tababare Didier Dechamps Kaga Reebay Xulka Samir Nasri

Patrick Vieira Oo Kasoo Horjeestay Go’aankii Uu Tababare Didier Dechamps Kaga Reebay Xulka Samir Nasri


Nasri

Halyeeygii hore Xulka Faransiiska Patrick Vieira ayaa kasoo horjeestay go’aankii uu tababare Didier Dechamps kaga reebay xulka faransiiska ee ka qeyb galaya Koobka Aduunka.

Nasri ayaa dhaliyay 11-gool dhamaan tartamada oo dhan xili ciyaareedkaan kulamada uu u saftay kooxdiisa Manchester City balse nasiib uma yeelan in lagu daro liiska hordhaca ah ee xulka Faransiiska.

Patrick Vieira oo xulka Faransiiska u saftay 107-kulan haatan ka mid ah maamulka kooxda Man City ayaa aaminsan in tababare Dechamps uu sameeyay qalad weyn madama uusan 26-jirakan u wadan doonin dalka Brazil.

“Hadii aad dooneyso inaad ku guuleysato koobka Aduunka waa inaad xulato xidigaha ugu fiican, Samir Nasrina xiligaan wuxuu sameeyay muuqaal cajiib leh” Ayuu Patrick Vieira u sheegay ITV.

“Wuxuu sameeyay wax walba oo koob aduun lagu aadi karo, waana la yaabay go’aankii looga reebay xulka”

Colleagues: Patrick Vieira works alongside Nasri as a coach at Manchester City

Nasri ayaa la kulmay ganaax sadex kulan ah kadib koobkii Euro 2012 isagoo ka helay xiriirka dalka Faransiiska ee magacooda loo soo gaabiyo [F.F.F].

Ugu dambeyntii Patrick Vieira ayaa shaaca ka qaadya in Dechamps uu sameynay qalad weyn isla markaana Samir Nasri uu mudnaa in loo wado Brazil.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close