Daafaca garabka midig ee xulka Argentina iyo naadiga Man City Pablo Zabaleta wuxuu haatan xulkiisa kala qayb qaadanayaa koobka aduunka sidoo kalena xidigan wuxuu ka mid yahay daafacyada aduunka ugu wanaagsan, Zabaleta kubada cagta heerkii ugu sareeyay ayuu dhanka naadiyada ka gaaray wuxuuna Man City kula guuleestay labo jeer Premiership-ka England waxaa intaas usii dheer in xidigan laga jecel yahay magaalada Manchester sidoo kalena uu ka mid yahay laacibiinta ugu tayada wanaagsan Premiership-ka balse waxaan si gaar ah ugu hadli doonaa ama diirada u saari doonaa noloshiisa gaarka ah oo aan wax badan laga ogeyn fadlan hoos kaga bogo:
Zabaleta wuxuu saaxiib la yahay gabadha 27-jirka ah ee u dhalatay dalka Spain laguna magacaabo Christel Castano labadan lamaane magaalada Barcelona ee dalka Spain ayay isku barteen waxayna haatan wada nool yihiin mudo 8-sano ku dhow, Castano shaqadeeda waa gabar joornaaliste ah sidoo kalena dhanka Model-ka ku lug leh.
Inkastoo mudo 8-sano ah ay saaxiibo ahaayeen hadana sanadkii hore gaar ahaan June 14 2013, ayay si rasmi ah isku guursadeen balse aqal galkood iyo xaflada weyn oo ay arooskooda ugu tala galeen dib ayay u dhigteen waxaynaku heshiiyeen marka uu koobka aduunka soo idlaado sidoo kalena uu Zabaleta waajibkiisa qaran soo guto inay si rasmi ah u aqal galaan.
Castano ayaa sheegtay inay aad u jeceshay seygeeda Zabaleta balse gabadhan ayaa qarsan weesay dhibaatada ay ku qabto cimilada magaalada Manchester oo aad u xun waxayna tiri “sanadka wuxuu ka kooban yahay 365-maalmood marka aad Manchester joogtid 185-maalmood oo sanadka ka mid ah roob ayaa iska socdo sidaa darteed magaaladan xiisaheeda wuu iga sii dhamaaday laakiin waxaan wax walbo uga tanaasulay jacelkeyga Pablo oo ku faraxsan inuu ka mid ahaado kooxda Man City!”
Sidoo kale Castano ayaa sheegtay in bilawgii nolosheedii markii ay dalka England usoo guurtay inay aad ugu dhibtootay wax yaabo badan waxayna tiri “iima sahlaneyn inaan Manchester usoo guuro waxayna igu noqotay dhib sidii aan magaaladan ugu noolaan lahaa waayo dad badan kama aqoonin, dhaqankeeda waa la qabsan waayay sidoo kalena luqada iyo cunada iyagana caqabad ayay igu noqdeen balse dhamaan haatan arimahaas waan kasoo gudbay waxaana garab weyn ka helay Pablo”
Hadaba aan ka wada warsugno marka uu koobka aduunka soo idlaado iyo labadan lamaane halka ay ku aqal gali doonaan, dabcan Castano madaama ay Manchester ka sheegatay waxaa macquul ah inay magaalo kale bisha malabka ah ku qaataan!
Asc akhyaarta sharafta leh codsigii aam inaka codsaday maxa la igu so gudbin wayeyna
fadlan isoo gudbiya nolosha gaarka ah ee
remy cabella