Kubad sameeyaha Chelsea ee khadka dhexe kaga ciyaara xulka Brazil ayaa beeniyay wararka la xiriirinaya kooxda reer France ee Paris Saint Germain isagoo doonaya inuu sii joogo Stamford Bridge xili ciyaareedka soo aadan.
22-jirkaan ayaa la hadlay jariirada L’Equipe ee kasoo baxda dalka Faransiiska: “Waan la xiriiray PSG, waa run balse ma jirto meel aan uga socdo halkaan, Chelsea ayaan joogi doonaa xiliga soo aadan”
Xidigaan reer Brazil ayaa ka mid ah lafdhabarta Kooxda Chelsea, inkasstoo dhamaadkii xili ciyaareedkii dhamaaday uu lumiyay booskiisa sababo la xiriira taatikada cusub ee Jose Mourinho uu xiligaas adeegsanayay.
Mourinho ayaa sameeyay isbadal, madama uu kooxda ka diray David Luiz oo ku biiray PSG halka kooxda uu yimid Cesc Fabregas.
Oscar ayaa u saftay Chelsea 47-kulan, wuxuuna shabaqa soo taabtay 11-jeer, balse waxa shaki la galiyay mustaqbalkiisa madama uu kooxda kusoo biiray Cesc Fabregas oo booska kala bixi kara.
Profile