Home » Maxaa Cusub » Niko Kovac: “Waan Garaneynaa Sida Loo Celiyo Neymar & Brazil”

Niko Kovac: “Waan Garaneynaa Sida Loo Celiyo Neymar & Brazil”


Niko Kovac

Tababaraha xulka Croatia  Niko Kovac ayaa shaaca ka qaaday in wiilashiisa ay garanayaan sida loo celiyo Neymar iyo Brazil marka ay labada xul ku kulmaan caawa kulanka furitaanka koobka Aduunka.

Niko Kovac oo ah tababare aan qibrad wanaagsan u laheyn koobka Aduunka ayaa ku kalsoon wiilashiisa isla markaana wuxuu shaaca ka qaadya iney meel saari doonaan Brazil.

“Waan naqanaa sida loo celiyo Neymar & Brazil” Ayuu Kovac shirkiisa jaraa’id ee ka hor kulanka ku yiri.

“Brazil kaliya maahan Neymar, waxey heystaan koox weyn, balse Croatia sido kale kama liidato”

Kulankii ugu dambeeyay labadaan xul ay ku kulmaan koobka Aduunk ayaa aheyd 2006 markaas oo Brazil ay 1-0 kaga adkaadeen dhigooda kulan ka tirsan wareega groupyada, Kaka ayaana ahaa dhaliyaha goolka qura ee dhulka ku jiiday Croatia.

“Berlin markii aan ku aragnay Brazil sida muuqata waxaan aheyn labada koox midii wanagsaneed balse guuldaro wey nasoo gaartay”

Dhanka kale kabtanka Xulka Dario Srna ayaa ku raacay maacalinkiisa go’aankaas balse wuxuu sheegay iney dhibaato kala kulmi doonaan Jamaahiirta faraha badan ee bogaadin doona xidigaha Brazil.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close