Weeraryahanka naadiga Barcelona Neymar ayaa qirtay inuu siweyn uga gaabiyay xili cayaareedkan wixii laga filaayay madaama uu hoos u dhac joogto ah xidigan ka bixi waayay sidoo kalena dhaawacyo ay hareeyeen inkastoo Barcelona lacago farabaan ay kusoo iibsatay bilawgii xili cayaareedkan sidoo kalena uu yahya hogaamiyaha xulka Brazil Neymar wax badan ayaa laga filaayay wuxuuna dhaliil xoogan kala kulmay saxaafada hadaba weeraryahankan tayada wanaagsan ayaa ka hadlay xaaladiisa wuxuuna yiri “runtii kubad cagta wax walbo ayaa laga fishaa hoos u dhac iyo sare u kac horey waan usoo arkay balse xili cayaareedkan oo kale horey iima soo marin waxaanka xumahay inaan taageerayaasha Barcelona farxad galin waayay inta badan xili cayaareedkan inkastoo dhaawacyo ay i hareeyeen”
Neymar oo wareysi dheer siiyay wargeska Mundo Deportivo ayaa wacad ku maray inuu xili cayaareedka dambe wacdaro ka dhigi doono La Ligaha Spain wuxuuna yiri “waa inaan marxaladan adag iska iloobo una tabaabusheesto xili cayaareedka dambe waxaana rajeynaa intii aan xili cayaareedkan ka gaabiyay iyo ka badan inaan qaban doono” ugu dambeyntii Neymar oo haatan dhaawac garoomada kaga maqan ayaa sheegay in kulanka ugu dambeeyo La Ligaha ee kooxdiisa Barcelona la cayaari doono Atletico Madrid uu safan doono wuxuuna yiri “maal mihii ugu dambeeyay hormar wanaagsan ayaan sameeyay waxaana ku rajo weynahay inaan kulanka ugu dambeeyo La Ligaha safto inkastoo aanan wax badan haatan ka hor dhici karin”