Weeraryahanka Xulka Jarmalka Miroslav Klose ayaa kasoo muuqday kulankiisii ugu horeeyay Koobka Aduunka 2014 lagu qabanayo Brazil madama uu seegay kulankii ay xulkiisu 4-0 ku dhufteen Portugal.
Weeraryahanka kooxda SS Lazio ee reer Talyaani ayaa dhaliyay goolkiisii 15-aad ee koobka Aduunka isagoo rikoorka gooldhalinta koobka Aduunka la sinaaday Weeraryahankii hore xulka Brazil Luiz Ronaldo kaas oo ciyaaraha isaga baxay mudo hore.
Miroslav Klose ayaa fursad u heysta inuu dhigo rikoor isaga u gaar ah madama uu haatan jabiyay rikoorkii Ronaldo wuxuuna fursad u heli karaa inuu ciyaaro kulamo kale.