Gooldhaliyaha kooxda SS Lazio ee dalka talyaaniga iyo xulka Jarmalka Miroslav Klose ayaa noqday xidiga ugu goolasha badan xulka Jarmalka kadib markii uu xalay qeyb ka qaatay goolashii ay Germany ku xasuuqeen xulka awooda yar ee Armenia kulan saaxiibtinimo oo ay wada yeesheen.
Klose oo 35-jir ah ayaa qarka u saaran sidoo kale inuu noqdo xidiga ugu goolasha ebid tartanka koobka Aduunka isagoo leh 14-gool wuxuuna 1-gool ka hooseeyaa halyeeygii hore xulka Brazil Luiz Nazario De Lima Ronaldo oo dhaliyay 15-gool, balse Klose ayaa fursad heli doonaa koobkaan Aduunka ee lagu qaban doono Brazil.
Klose ayaa dhaliyay goolkiisii 69-aad ee xulka Jarmalka wuxuuna awal rikoorkaan barbaro la ahaa halyeegii hore Gerd Muller kaas oo ay wada lahaayeen 68.
Ciyaartoyda haatan waqtiga u heli doona Klose iney ka daba tagaan waxaa ugu soo dhaw Lukas Podolski oo ka tiran Naadiga Gunners kaas oo leh 47-gool waana xidiga Afaraad ee ugu golasha badan xulka Jarmalka.
Miroslav Klose | 69 Gool |
Gerd Muller | 68 Gool |
Jurgen Klinsmann | 47 Gool |
Rudi Voller | 47 Gool |
Lukas Podolski | 47 Gool |
Karl-Heinz Rummenigge | 45 Gool |