Madaxweynaha Xiriirka UEFA Michel Platini ayaa ka codsaday xiriirka qaarada yurub in baaritaano qoto dheer lagu sameeyo jabaqdii ay sameeyeen taagerayaasha CSKA Moscow.
Yaya Toure oo ka tirsa naadiga Man City ayaa shaaca ka qaaday in la cusuray kulankii CSKA Moscow inkastoo garsoore Ovidiu Hetagan uusan wax tilaabo ah qaadin isagoo awood u leh inuu joojiyo kulanka.
Kulankii ka dhacay Russia ee Man City ay 2-1 kaga talaabsadeen dhigooda CSKA Moscow ayaa laga soo sheegay in tagerayaasha ay ku dhaqmeen fal ka baxsan kubada cagta markii ay cunsureen xidigaha madow ee Man City.
Michel Platini ayaa shaaca ka qaaday in hadii ay cadaato arintaan talaabo rasmi ah laga qaadi kooxda CSKA Moscow iyaoo go’aamo adag ay xiriirka kasoo saareen cunsuriyadda bilowgii xiligaan.
“Garsooraha wuxuu xaq u leeyahay inuu joojiyo ama uu hakad galiyo kulanka hadii uu xakameyn waayana wuxuu awood u yeelanayaa inuu gabi ahaanba ciyaarta joojiyo”
Sidoo kale Michel Platini ayaa calaameeyay in 30-ka October ay warbixin rasmi ah soo saari doonaan UEFA ee ku aadan cunsuriyada CSKA Moscow markaas oo gudida Anshaxa xiriirka ay soo gubdin doonaan natiijo dhameystiran iyo go’aankii laga gaaray taagerayaasha koxoda reer Russia.