Xili koox walba oo ka qeyb galeysa tartanka Xiisaha badan ee Champions League ay soo saartay tirada xidigaha kaga qeyb qaadanaya wareega groupyad ee xili ciyareedkaan ayaa liisaska koxaha Man United iyo Chelsea laga waayay laba xidig oo muhim ah.
Xidiga reer Africa Michael Essien kaas oo xili ciyaareedki hore hal sano oo amah ah Madrid kula soo qaatay macalinka haatan ee Chelsea Jose Mourinho ayaa laga saaray liiska Chelsea ee Champions League.
Dhanka kale Daren Fletcher oo xili ciyaareedkii hore ka maqnaa kooxda United sababo xanuun ah ayaa mar kale iska waayay liiska United ee Champions League wuxuuna xidigaan sameeyay 13-kulan inuu kazoo muuqdo tan iyo sanadkii 2011-kii.
29-jirkaan reer Scotland ayaa laga yaabaa inuu kazoo kabto xanuunkii uu ku maqnaa isla markaana uu la midoobo David Moyes xili liiska laga saaray.
Ugu dambeyntiina David Moyes ayaa liiskiisa ku darsaday ninka dheer ee dhawaan ay lasoo saxiixdeen Maroune Fellaini iyo sidoo kale da’yarka xulka England Zaha.