Kubad sameeyaha xulka Jarmalka iyo Kooxda Arsenal Mesut Ozil ayaa doonaya inuu xulkiisa ka caawiyo ku guuleysiga koobka Aduunka si uu u noqdo halyeyga Jarmalka ee Koobka Aduunka.
Mesut Ozil ayaa xili ciyaareedkaan kasoo muuqday horyaalka Ingiriiska 26-kulan, isagoo dhaliyay 5-gool, sidoo kalana caawiyay 9-gool waxaana uu Arsenal ka saaciday iney ku guuleysato koob caalami ah tan iyo 2005 markaas oo ugu dambeysay kadib markii ay qaadeen koobka FA Cupka.
25-jirkaan heerka caalami ayeysan xulkiisa wax guul taariikhi ah gaarin tan iyo 1996-dii markaas oo ay qaadeen koobkii Euro ee lagu qabtay Ingiriiska.
Waa waqti dheer waxaana laga joogaa 18-sano inta sano oo uusan Jarmalku qadin koob caalami ah, balse Ozil ayaa donaya inuu koobka aduunka usoo xero galiyo isagoo doonaya inuu dhaafo darajada ay xulka ka gaareen halyeeyadii hore Fritz Walter, Wolfgang Overath & Lothar Matthaus.
“Sadexdaas halyeey ee Kubada Cagta Jarmalka tusaalaha u ah”
“Waxey ku guuleysteen koobab badan intii ay ku dhexjireen kubada cagta, waan xushmeynayaa dadaalkoda, bale waxaan ogahay iney ahayeen sida aan hada aniga ahay”
“Waxaan isku arkaa inaan ahay kubad sameeye dhaqan ah, kuma badna koobka aduunka shaqsiyaadka sidaas oo kale ah, marka aan fiiriyay waxaa iisoo baxay hal – hal”
“Waxana jeclaan lahaa inaan raaco wadadii halyeeyadii sadexda ahaa, isla markaana aan noqdo halyeey, marka aad rabto inaad halyeey noqoto waa inaad ku guuleysataa koobka Aduunka, waxaan u duuleynaa Brazil si aan u rumeeyo riyadeyda”
Mesut Ozil oo ah xidiga hormuudka u ah Jarmalka ayaa daneynaya inu xulkiisa guulo u horseedo marka la garo bisha June ee soo aadan.