Home » Maxaa Cusub » Mathieu Debuchy Oo La Filayo Inuu Caafimaad U Maro Arsenal Isbuucaan

Mathieu Debuchy Oo La Filayo Inuu Caafimaad U Maro Arsenal Isbuucaan


Mathieu Debuchy

Sida ay shaacisay Sportsmole daafaca reer France ee kooxda Newcastle United Mathieu Debuchy ayaa ku dhaw inuu ku biiro kooxda Arsenal si uu badal ugu noqdo Bacary Sagna oo ka tagay kooxda isla markaana ku biiray Manchester City.

28-jirkaan ayaa ka mid ahaa wiilashii macalin Dechamps ee kasoo haray koobka Aduunka wareegiisa quater finalka in badan ayaana lala xiriirinayay kooxda Arsenal.

Sida ay sheegayaan warar ka imaanaya magaalada London tababare Arsene Wenger ayaa qarka u saran inuu xaqiijiyo saxiiixisa ugu horeeya xili ciyaareedkaan.

L’Equipe ayaa sidoo kale shaacisay in Arsenal iyo Newcastle United ay ka wada haedleen qiimaha xidigaan iyadoo ugu dambeyn la isku afgartay in Arsenal 7.9 Malyan Oo Pound.

Mathieu Debuchy ayaa Newcastle United kusoo biiray January 2013 wuxuuna St James Ku yimid aduun dhan 5.5 Malyan Oo Pound kooxda Lille ayuuna kasoo hayaamay.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Close