Nigel De Jong waa xidiga ay ku faanaan xulka Holland iyo naadiga AC Milan wuxuuna ka mid yahay laacibiinta ugu wanaagsan caalamka marka ay timaado kubad raacashada, xidigan waaya araga ah wuxuu ku dhashay magaalada Amsterdam ee dalka Holland sidoo kalena kooxda Ajax ayuu kusoo bar baaray kuna soo caan baxay kadib wuxuu usoo dhaqaaqay Bundesligaha Jarmalka asigoo ku biiray kooxda Hamburg.
De Jong baaqi kuma sii ahaanin waayo kooxda Man City ayuu ku biiray kadib markii uu City koobab muhiim ah kula guuleestay wuxuu go’aansaday inuu kooxda AC Milan ku biiro haatana Serie A-da dalka Talyaaniga ayuu ka xamaashaa. Balse maanta waxaan si gaar ah uga hadli doonaa noloshiisa gaarka ah oo aan wax badan laga aqoonin, fadlan hoos kaga bogo:
Nigel De Jong xaaskiisa waxaa lagu magacaabaa Winonah de Jong waxayna labadan lamaane si rasmi ah u aqal galeen ama go’aansadeen inay nolosha wadaagaan sanadii 2004, haatan Winonah iyo Nigel waa qoys dhameestiran madaama ay u joogaan labo caruur ah Isaura oo dhalatay sanadii 2009 iyo Kyan oo isagana dhashay 2011.
Winonah de Jong waa 32-jir shaqadeeda waxay tahay inay dharka xayeysiiso sidoo kalena waa foto-modeliste inta badana sawiradeeda wargesyada aduunka ayaa lagu soo bandhigaa, gabadhan ayaa sheegtay inay wadamo badaln saaxiibkeeda De Jong kula soo noolaatay madaama o horyaalo badan kasoo cayaaray balse waxay sheegtay inay haatan aad uga heshay magaalada Milan oo ay ku tilmaantay magaalo jawi ahaan dagan sidoo kalena dadkeeda aysan dhib badneyn!
Profile