Home » Horyaalada » Bundesliga » Mario Mandzukic Oo Ku Xumeeyay Kooxda Arsenal: “Bundesliga Ayaan Sii Joogayaa”

Mario Mandzukic Oo Ku Xumeeyay Kooxda Arsenal: “Bundesliga Ayaan Sii Joogayaa”


Mandzukic

Warar hoose oo ka imaanaya gudaha Jarmalka ayaa tibaaxaya in xidigii bartilmaameedka weyn u ahaa Arsenal Mario Mandzukic uu doorbidayo inuu sii joogo horyaalka Bundesliga isagoo quuldareynaya inuu ku biro kooxda Wolfsburg.

Sida la rumeysan Mario Mandzukic ayaa ka tagi doona kooxda Bayern Munich oo uu haatan ku sugan yahay kadib markii kooxda ay lasoo saxiixatay weeraryahankii hore kooxda Borrusia Dortmund Roberto Lewandowski.

Mario Mandzukic ayaa lala xiririnayay kooxo badna oo ka dhisan horyaalka Ingiirka oo ay ugu horeyso kooxda Gunner oo baahi u qabtay xiligaan.

Si Kastaba Mandzukic ayaa la filayaa inuu Wolfsburg kula biiro saaxiibkiisii hore Bayern Munich Luis Gustavo oo xili ciyaareed ka hor ku biiray kooxdaan reer Jarmal.

Waa dharbaaxo suuqa kala iibsiga oo ku dhacday kooxda Arsenal madama xidigii ay dooneysay uu qeexay inuu doonayo kusii nagaashaha Bundesliga.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close