Home » Maxaa Cusub » Mario Balotelli Oo La Filayo Inuu Ku Laabto Premier League, Laba Koox Ayaana Doonaya, Waa Kuwee?

Mario Balotelli Oo La Filayo Inuu Ku Laabto Premier League, Laba Koox Ayaana Doonaya, Waa Kuwee?


Balotelli

Weeraryahanka Ac Milan Mario Balotelli ayaa xaqiijiyay inuu isaga tagi doono kooxdiisa marka uu furmo suuqa kala iibsiga isagoo carabka ku adkeeyay inuu dib ugu laaban doono horyaalka Premier League.

Xidigaan reer Talyaani ayaa Serie A-da kaga soo guuraya cunsurinimo lagala hari la’yahay isagoo u maara la’ taageerayasha kooxaha uu ka hor yimaado iyo xitaa kuwii xulka qaranka oo cunsuray, isagoo aaminsan in England ay ka fiican tahay Italy.

Si Kastaba kooxaha Liverpool iyo Arsenal ayaa xiiseynaya xidigaan kuwaas noo mid walba uu doonayo inuu keensado balse xidigaan ayaan carabaabin kooxda uu ku biirayo.

Arsenal waxey isha ku heysaa Mandzukic iyo Benzema balse sidoo kale Balotelli waa dooq ka mid ah dooqa Wenger hadiiba ay suuragal u noqoto inuu xidigaan heli karo.

Sidoo kale Liverpool ayaan ku kalsooneen joogitaanka Suarez, xili ay Real Madrid ku dooneyso 100 Malyan halka Barcelona ay sidoo kale dooneyso iyana taas ayaana reds ku qasbeysa iney u dhaqaaqdo Balotelli.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close