Home » Maxaa Cusub » Mario Balotelli: “England Ma Ahan Sida Azzurri”

Mario Balotelli: “England Ma Ahan Sida Azzurri”


Balotelli

Weeraryahanka Xulka Talyaaniga Super Mario Balotelli ayaa kululeyay xaalada ka dhex jirta xulalka Italy iyo England ka hor koobka Aduunka kadib markii uu shaaca ka qaaday in xulka Sadexda libaax lagu neynaaso aysan awoodin ku guuleysiga koobka Aduunka.

Labada Xul ayaa ku kulmi doona Brazil-ka 14-ka June kulanka ugu horeeya ee Group D, waxaana Balotelli uu soo jeediyay in England ay tahay koox la xifaaltami karta Talyaaniga.

“Uma arko England iney tahay koox ku guuleysaneysa koobka Aduunka” ayuu Mario Balotelli ugu waramay Daily Mail.

“Waxey heystaan xidigo fiican, balse ma ahan xifaaltamayaasha dhabta ah ee Italy”

“Ma dhahayo in Italy ay tahay kooxda ugu cad-cad koobka Aduunka, balse waxaan leenahay ciyaartoy maskax iyo qibrad u leh koobka Aduunka kana yaabin kara dadka, balse uma maleynayo in England ay leedahay”

“Waxaan heysanaa Ciyaartoy ku guuleystay Koobka Aduunka [Buffon, Pirlo & De Rossi] mana u maleynayo in England ay heystaan ciyaartoy koobka Aduunka qaaday, balse waxey heystaan ciyaartoy aanan aqoon sida loo dhaafo Quater Finalka”

Xulka Italy ayaa sidoo kale la kulmi doona Costa Rica iyo Uruguay labada kulan ee kale ee Groupka D.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close