Home » Horyaalada » League 1 » Marco Verratti Kuma Biiri Doono Inter Milan: Sidaa Waxaa Yiri Wakiilka Xidigaan

Marco Verratti Kuma Biiri Doono Inter Milan: Sidaa Waxaa Yiri Wakiilka Xidigaan

verratti-ouch490ai_4

Kubad Sameeyaha da’da yar ee xulka Italy iyo Kooxda Paris Saint Germain ayey saxaafada talyaaniga qortay in lagu xoojin doono khadka dhexe Inter Milan xagaaga soo aadan xili Maalqabeen reer Indonesia ah uu la wareagay milkiyada Inta badan Kooxda Inter Milan balse hadalkaas waxaa biyo qabow ku shubay wakiilka xidigaan.

“Ma Jirto wax jaanis ah oo uga banaan Marco Verratti inuu u dhaqaaqo Inter Milan” ayuu Donato Di Campli oo ah wakiilka xidigaan uu u sheegay FC Inter News.

“Taasi waa sababta uusan wiilkaan suuqa u oolin tan iyo markii uu kusoo biiray Paris Saint Germain, Mana La Iibin Doono”

“Wey iska cadahay in xidigaan uu jecel yahay inuu dib ugu laabto talyaaniga, balse hada maahan”

“Wax wicitaan ah kama helin Inter Milan” ayuu ku daray warbixintiisa, “Hadii ay doonayaan wa iney la xiriiraan PSG aniga maahan”

20-jirkaan heerka aalami ee xulka Italy, ayaa sanadkiisii labaad ku qaadanaya France League 1, tan iyo markii uu Pascara kaga wareegay €12m xagaagi 2012.


Waxaa Aqrisay: (23)

Xafiiska Wararka Hiilkubad

Mogadishu - Somalia

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>