AAD BAAN UGA XUNAHAY!!!!!
Kubad sameeyaha dhanka weerarka ee kooxda Borrusia Dortmund Marco Reus ayaa laga saaray xulka Jarmalka ee u duuli doona dalka Brazil kadib markii uu dhaawac dhanka canqawga ah lasoo darsay xalayto.
25-jirkaan kubada u qaabeeya kooxda dalka Jarmalka ka dhisan ee Borrusia Dortmund ayaa qeyb ka ahaa wiilashii xalay daldalay Armenia inkastoo uu qeybtii dambe dhaawac ku baxay markii uu dhaawac aan kas aheyn soo gaaray.
Reus ayaa loo qaaday isbitaalka inkastoo xulkiisa ay 6-1 ku xaaqeen Armenia dhamaadkii kulanka tababare Joachim Low ayaa ku adkeystay inuu ka warsugi doono waxa ay dhaqaatiirta ka dhahaan dhaawaca.
Tijaabadii la sameeyay waxaa soo baxay in Reus uu dhaawaciisa halis yahay isla markaana uusan ka qeyb qaadan karin koobka Aduunka ee Brazil ka dhici doona 12-ka bishaan June.
Yaa Lasoo Waday Badalka Marco Reus?
Hadii Marco Reus uu dhaawacmay tababare Low ayaa xulka uga yeeray daafaca kooxda Sampdoria Shkodran Mustafi, kaas oo qeyb ka noqon doona daafacyada xulka Jarmalka ee Koobka Aduunka.
Daafaca Lagu Badalay Marco Reus: (Shkodran Mustafi) Oo ka tirsan Kooxa Sampdoria ee dalka Talyaaniga