Daaficii hore Xulka Azzurri iyo kooxda Inter Milan ayaa aaminsan in Mario Balotelli uusan wali qaan gaarin isla markaana uu u baahan yahay inuu adeegsado awood buuxda sida uu ugu waramay Goal.com.
40-jirkii hore Inter ayaa garoon lasoo galay Mario Balotelli waqtigii uu ku sugnaa Inter Milan, balse xidiga reer Italy ayaa haatan Milan u dhaliyay 14-gool, 30-muuqaal oo uu sameeyay xili ciyaareedkaan.
Si Kastaba marxalado culus oo kala qabsaday Jose Mourinho iyo Balotelli ayaa qasabtay in xidigaan uu u guuro Manchester City isagoo ku sugnaa sadex sano balse ugu dambeyntii 2013 ayuu dib ugu soo laabtay magaalada Milan.
Marco Materazzi ayaa taageero u ah Balotelli isagoo doonaya in xidiga uu adeegsado awoodii uu adeegsan jiray xiligiisii Inter Milan markaas oo uu ahaa 17-jir inkastoo qalafsanaanta ay kusoo bilaabaneysay markaas.
“Waa shaqsi xoogan taasna wax dood ah kama taagna, balse wuxuu u dhaqmaa isidi 17-jirkiisii oo kale”
“Alla muxuu waayay qaangaarnimada, waa inuu noqdaa qof xoogan, marka aad xul adag ka mid tahay sida Italy, waa inaad hagi kartaa, sidoo kale goor hore ayuu cadeeyay inuu yahay Horyaalka Yurub”
Marco Materazzi ayaa ciyaaraha isaga fariistay 12-bilood ka dib markii uu Jose Mourinho Champions League u qaaday Inter 2010 wuxuuna cadeeyay inuu jecel yahay inuu mar kale la shaqeeyo Jose.
“Waxaan lasoo shaqeeyay macalimiin badan, dabcan si ka duwan kuwa kale ayaan ula shaqeeyay Mourinho”
“Sidoo kale wuxuu ahaa shaqsi ay naga dhaxeyso xiriir aan caadi aheyn, xitaa Mourinho wuxuu ahaa tababarihii aan kala hadlay inaan qorsheynayo gabagabeynta waayaheyga ciyaarah”
“Sababtoo ah waa shaqsi run ah, Xiriirkeena wuxuu ahaa isku run sheegid iyo daacad isku noqosho, qof walbana wey u cadeed inuu kan kale saaxiib la yahay, waxaana laheyn xiriir xushmad ku dheehan tahay”
“Aniga iyo Mourinho waan isla shaqeyn doonaa, hadii ay maalin dhacdo midaas, aad ayaan ugu faraxsanaan doonaa inaan dhinaciisa ahay, dabcan taasina maahan in xiriirkeena aan badali doono xitaa hadii aanan wadashaqeyn waligeen”