Mucjisadii kubada cagta Argentina Dieg Armando Maradona ayaa la hadlay kabtanka haatan ee xulka Argentina Lionel Messi kaas oo meelo badan kaga eg qaab ciyaareedkiisa wuxuuna u sheegay iney muhiim tahay inuu qaado wadadii uu qaaday sanadii 1986-dii markaas oo uu Argentina u qaaday Koobkeedii labaad ee Aduunyada.
26-jirkaan heerka caalami ee ka tirsan Barcelona ayaa ka qeyb qaatay koobabkii aduunka ee 2006 & 2010 inkastoo saameyntiisa aan la dareemin hadana labada jeerba waxaa cagta mariyay xulka Jarmalka sida xusuusta lagu hayo.
“Waxaa Jiray ciyaartoy badan kuwaas oo loogu magac daray Diego-hii labaad” Ayuu Mara ku qoray Times of India.
“Leo waa midka kaliya ee meelo badan iiga eg, soco Leo, samee wixii aan sameeyay 1986-dii 28-sano ka hor”
“Waxaan sugeynaa geesinimadaada inaad nooga dhigto [Hogaanka Aduunka] waana ogahay inaad sameyn karto midaas, dhali goolal, kuna raaxeyso nolosha wadankaaga noloshaada inta ka dhiman”
“Leo wax badan ayuu nolosheyda kala siman yahay, Leo wuxuu hogaaminayaa, Albiceleste, isagoo 27-jir noqonaya inta lagu jiro koobkaan, anigana markii aan qaadayay koobka Aduunka waxaan ahaa 25-jir”
“Brazil, taxadara Leo halkaan wuxuu u yimid inu soo afjaro abaar jirtay sanado badan”