Macalin Jose Mourinho ayaa sameyn doona isbadal xoog leh marka uu dhamaado xagaagan isagoo calaameystay tiro xidigo ah oo uu keeni doono xagaagan kooxda Blues inkastoo heshiiskiisii ugu horeeyay uu gacanta ku dhigay madama kooxdiisa ay heshiis la gaartay Weeraryahanka Atletico Madrid Diego Costa.
Si Kastaba Macalinka reer Portugal ayaa albaabka ka saari doona Shan xidig isla marakana soo xareyn doona shan xidig oo badal u noqda xidigahaas.
Jose ayaa isha ku haya inuu tartan xoog leh u galo Champions League xili ciyaareedka dambe wuxuuna maanka ku hayaa in Mohamed Salah iyo Matic ay ciyaari doonaan xili ciyaaredka soo aadan inkastoo Semi finalka tartanka lagu reeba xili ciyaareedkaan.
SHANTA XIDIG EE IMAANEYSA CHELSEA:
DIEGO COSTA (ATLETICO MADRID)
Inkastoo saakay warar isi soo taraya ay shaaciyeen in Diego Costa ay heshiis la gaartay Chelsea hadana wuxuu ku jira liiska Jose Mourinho ee xagaaga dambe lagu dagaal gali doono
2. Hakan Calhanoglu (Hamburg)
Kubad Sameeye da’yar oo lagu tilmaamo Mesut Ozil-ka Cusub
3. Alberto Moreno (Sevilla)
Daafaca Bidix ee xulka Spain iyo Kooxda Sevilla
4. Paulinho (Tottenham)
Kubad burburiyaha xulka Brazil iyo Kooxda Tottenham Hotspur
5. Lazar Markovic (Benfica)
Garabka kooxda reer Portugal ee Benfica
Sidoo kale Tababare Jose Mourinho ayaa soo calaameeyay shan xidig oo uu ka tuuri doono kooxda Blues marka uu suuqa furmo kuwaas oo waxba ka qaban waayay hamiga Jose ee xili ciyaareedkaan.
1. Fernando Torres
Xidiga ugu qaalisan horyaalka Ingiriiska ebid
2. Demba Ba
Xitaa hadii uu PSG ka dhaliyay goolkii Chelsea usoo saaray Semi Finalka wali aaminaad kama helin Jose
3. Samuel Eto’o
Waa Xor meeshuu doono ayuu aadi karaa
4. David Luiz
Waa xidig awood leh oo ka ciyaari kara daaaca iyo Dhexda, 30 Malyan Barcelona ayaa looga iibin doonaa mana ahan dooqa Jose Mourinho.
5. Romelu Lukaku
Amaah ayuu ugu maqan yahay Everton, waxana doonaya Everton iyo Spurs iney si rasmi ah ula wareegaan waana wiil aan wali lagu tijaabin qaabka Chelsea.
Sidoo kale waxaa jira laba xidig oo iyagana la filayo iney ka tagaan Blues marka uu xagaagan dhamaado waxaana labadaas xidig ay kala yihiin:
Ashley Cole iyo John Obi Mikel