Naadiga Man City waxay ku guuleesatay horyaalka England markii 2-aad mudo sedex sano gudaheeda ah balse waxaa naga xasuusin ah in xili cayaareedkii hore ay kooxdan ku guul dareesatay inay difaacato Premiership-ka kadib markii ay Man United awood horyaalka kaga qaaday xili cayaareedkan ay City soo rogaal celisay waxayna horyaalka ka fara maroogsatay kooxda Liverpool, haatan waxaa la bilaabay in lasoo odorosa waxa xiga ee dhici karo madaama xili cayaareedka dambe kooxo oo dhan dib u dhis xoogan lagu sameyn doono hadana dadka sadaaliyaan Premiership-ka ayaa aaminsan inay Man City horyaalka difaacan karto balse waa hadii ay 4-arimood sameyso waxayna kala yihiin:
1) Inay City soo iibsato daafac dhexe oo awood badan: Man City si sahlan ayay Premiership-ka ku difaacan kartaa hadii ay soo iibsato daafac tayo wanaagsa kaasi oo ka garab cayaari karo kabtan Kompany waayo Martin Demichelis, Juilan Lescott iyo Micah Richards dhamaantood uma qalmaan inay maaliyada City sii xirnaadaan!
2) Joe Hart in booskiisa si toos ah loogu aamino: inkastoo goolhayaha xulka England uu bilawgii xili cayaareedkan hoos u dhac muujiyay hadana Hart isaga ayaa sabab u ahaa qaybtii dambe ee horyaalka inay Man City soo korseeso madaama uu kulamo badan badaaiyay, sida darteed Hart waa in booskiisa muran la galinin xili cayaareedka dambe.
3) Edin Dzeko in la celiyo waa lama huraan: 5-kulan ee ugu dambeesay ee City u suura galiyay inay horyaalka ku guuleesato Dzeko ayaa Line Up-ahaa waxaana lala yaabay asigoo bilawgii xili cayaareedkan ahaa dooqa 3-aad ee macalin Pelligrini inuu horyaalka Man City lugtiisa ugu qaaday weliba 28-gool ayuu dhaliyay dhamaan tartamada kala duwan, dabcan Dzeko hadii uu sii joogo City horyaalka way difaacan kartaa!
4) Sergio Aguero ha la iska iibiyo: inkastoo uu muhiim u yahay Man City hadana weeraryahnka reer Argentin xili muhiim ah ayuu kooxdiisa ka maqnaa haatana Man City waxay baratay Aguero la’aantiisa sida loo badin karo sidaa darteed kooxdan hadii ay dooneyso inay horyaalka diaacato Sergio ha iska iibiso xagaagan badalkiisa hasoo gadato xidigo caafimaadkiisa wanaagsan yahay oo hal xili cayaareed dhameesan karo.