International Federation of Football History & Statistics (IFFHS) ayaa si rasmi ah shaaca uga qaaday goolhayaha ugu wanaagsan caalamka sanadkii 2013 aan kasoo gudubnay waxayna gudoonsiisay goolhayaha xulka Jarmalka iyo naadiga Bayern Munich Manuel Neuer oo sanadkii hore Bayern kula guuleestay 5-koob, IFFHS oo ah urur ay ku mideesan yihiin inka badan 70-dal qubaro sports ee kasoo kala jeedaan ayaa qabatay codeenteedii sanadlaha ahayd oo ay ku dooran jirtay goolhaha caalamka ugu wanaagsan waxayna markan biladan qiimaha badan gacanta ka saareen Manuel Neuer oo 12-bilood ee aan kasoo gudubnay guulo taariikhi ah Bayern Munich la qeebsaday.
Manuel Neuer codadkii la qaaday wuxuu helay 211-cod waxaana la yaab noqotay in goolhaye Gigi Buffon oo kaalinta 2-aad galay codeyntii la qaaday uu ka sare maray 133-cod tani ayaa ka dhigan taariikhda abaal marinta ay bixiso IFFHS farqigii ugu dheraa ee lagu qaado dhanka goolyaha sanadka, abaal marintan uu gacanta ku dhigay Manuel Neuer ayaa ka dhigan inuu soo afjaray awoodii uu Iker Casillas ku heestay biladan qiimaha badan waayo 5-sano ee ugu dambeesay ayuu iska aruursanaayay goolhayaha xulka qaranka Spain iyo naadiga Real Madrid. guud ahaan qaabkan hoos ku qoran ayay codadka u kala heleen goolhayeyaasha ugu wanaagsanaa caalamka sanadkii 2013: