Home » Maxaa Cusub » Manchester United Oo Si Rasmi Ah U Sheegtay Inay Wilfried Zaha Iibin Doonto Xagaagan

Manchester United Oo Si Rasmi Ah U Sheegtay Inay Wilfried Zaha Iibin Doonto Xagaagan


Zaha

Ugu dambeyntii kooxda Man United ayaa si rasmi ah u sheegtay in xidigeeda dhalinta yar Wilfried Zaha uusan mustaqbalka ku laheyn garoonka Old Trafford sidaa darteeed Zaha waxaa loo ogolaadan inuu kooxdii uu doono ku biiri karo balse xidigan United qiimo gaar ah ayay dul dhigtay waxaana laga iibin doonaa naadigii la timaado £10m inkastoo Zaha uu haatan  Cardiff City amaah kula joogo hadana xidigan waxaa loo sheegay inuusan Old Trafford kusoo laaban doonin sidoo kalena United waxay diyaar u tahay inay iibkiisa qasaaro kala kulnato madaama bilawgii xili cayaareedkan ay kusoo iibsatay £15m wuxuuna markaas kasoo tagay kooxda Crystal Palace.

21-jirkan mustaqbalka wanaagsan ku leh kubada cagta marnaba fursad kama helin hogaankii macalin David Moyes waxaana lagu iloobay kursiga keyda sidoo kalena bilawgii sanadkan ayaa amaah lagu siiyay kooxda  Cardiff City madaama Man United isbadal xoogan lagu sameyn doono waxaa la hubaa in Zaa iyo xidigo la mid ah xagaagan Old Trafford laga diri doono waxaana ilaa haatan Man United dalab laacibkan ku aadan usoo gudbiyeen kooxaha kala ah Arsenal iyo Tottenham  sidoo kalena New Castle iyadana dabagal gaar ah ayay Zaha ku heysaa waxayna Man United si rasmi ah u sheegtay in xidigan dhalinta yar laga iibin doono kooxdii la timaado £10m.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close