United waxay si rasmi ah u macsalaameesay halyeegeeda Rio Ferdinand oo mudo 10-sano ka badan kooxdan dhanka daafaca gadaale ka agaasimayay balse xagaagan kooxdan faca weyn waa cusub ayaa u bilaaban doono waxayna gali doontaa marxalad uusan Ferdinand hada kadib dafaceeda caawin doonin sidaa darteed ragga United u xil saaran inay suuqa Yurub uga soo dukaameeyaan ayaa loo xil saaray in 5-daafac midkood ay garoonka Old Trafford keenaan inta uusan xili cayaareedka dambe bilaabanin waayo Rio Ferdinand mudo 12-sano ah booskiisa shaki lama galinin sidaa darteed 35-jirkan daafacyada booskiisa buuxin karaan waxaa ka mid ah:
Mats Hummels (Dortmund): 24-jir
Ezequiel Garay (Benfica): 27-jir
Matthias Ginter (Freiburg): 20-jir
Eliaquim Mangala (FC Porto): 23-jir
Fabian Schar (FC Basel): 21-jir