Manchester United ayaa ku tala jirtay iney keento badalka tababare David Moyes marka uu dhamaado xili ciyaareedkaan, waxaana kooxda u calaameysnaa shan tababare oo kala ah: Conte, Ancelotti, Diego Simeone, Jurgen Klopp iyo Van Gaal.
Ryan Giggs ayaa si kumeel gaar ah u haya balse hadal lama filaan ah ayey Man United shaacisay maanta iyadoo ku warantay iney sadex sano oo heshiis ah ka saxiixaneyso tababaraha xulka Holland Louis Van Gaal kaas oo xagaaga soo aadan la aaminsan yahay inuu noqono doono tababarahii sadexaad ee leyliya Manchester United mudo 27-sano ah.
Macalinkaan haatan hogaamiya xulka qaranka Holland ayaa si cad u sheegay inuu shaqada xulka ka tagi doono kadib koobka Aduunka balse fikirka ah inuu Man United ku biiro ayaa haatan soo ifbaxay inkastoo markii hore lala xiriirinayay shaqada Tottenham.
62-jirkaan waaya araga ah ayaa soo leyliyay kooxaha Bayern Munich iyo Barcelona wuxuuna qibrad wanaagsan u leeyahay kubada cagta qaarada yurub.
Manchester United ayaa 25 Malyan kula heshiin doonta sadexdaas sano iney siin doonto tababarhaan reer Holland waxaana sidoo kale loo gacan galin doonaa 200 Malyan oo uu kusoo iibsan karo ciyaartoyda uu kooxda la doonayo.
Manchester United ayaa haatan si kumeel gaar ah waxaa u maamula Ryan Giggs oo isbadal weyn sameeyay kulankiisii ugu horeeyay ee kooxda Markii United ay 4-0 ku qaarijisay kooxda Norwich City oo soo booqatay garoonka Old Trafford.
dhimbiil cali xasan
April 28, 2014 at 6:15 PM
waxaan la dooni lahaa tababaraha manchester united tababaraha kooxda atlantic madrrid